Xildhibaano ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay doonayaan in Somaliland ay ciidamo u dirto dalka Myanmar, halkaasi oo lagu dhibaato Muslimiinta.
Axmed Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in 15 Mudane ay diyaariyeen Mooshin la horgeynaayo Baarlamaanka ,kaasoo ah in ciidamo dhan 5,000 oo askari loo diro Barma.
Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay ka codsanayaan in ay siiso diyaarado Ciidankaasi lagu qaado oo geeya Burma,Maadaama Somaliland aan la aqoonsaneyn.
Somaliland ayaa ugu baaqday dowladda Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.



