Muqdisho-RisaalaFM- Soomaaliya waxa ay galeysaa Marxalad ka duwan sanadkii 2012-ka, waxaa dalka ka dhacay Doorasho ay codeynayaan in ka badan Toban Kun oo ruux, maadaama xildhibaanada Baarlamaanka midkoodiiba ay codbixintiisa u dareereen 51 ruux.
Madaxweynaha la doortaa sanadkan 2017-ka waxa uu dalka hoggaamin doonaa mudo 4 sano ah, sida uu Dastuurka dhigayo, waxaana ay la micno tahay in uu xilka heynayo ilaa 2020-ka.
Laakiin Hoggaamiyaha la doortaa waxaa horyaalla Howlo badan oo la doonayo in uu wax ka qabto, sida dalka in uu gaarsiiyo Doorasho qof iyo codkii ah Hadaba Hoggaan nuucee ah ayay Soomaaliya u baahan tahay ?
Xildhibaanada Golaha Shacabka, Xildhibaanada Aqalka Sare, Haweenka iyo Dhalinyarada Magaalada Muqdisho ayaa ka mideysan in sanadkan loo baahan yahay Hoggaan daacad ah, oo samata bixin kara Dalka Soomaaliya.
Waxaa jira Musharaxiin badan oo soo bandhigay in ay doonayaan Qabashada Hoggaanka Dalka, waxaana hubaal ah in midkooda uu ka soo dhex bixi doono Musharaxiintaas.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba aragti ah in Hoggaan daacad ah lagu heli karo marka shacabka Soomaaliyeed door ay ku leeyihiin Doorashada, iyagana ay daacad ka tahay cida ay dooranayaan.
Doorashada Hoggaan uu yeelanayo sifaha uu xildhibaanka sheegay ayaa waxa ay tahay mid ku jirta gacanta xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama hada ay shacabka metelayaan.
Waxaa la doonayaa in ay ka fakaraan Hoggaan ay kula xisaabtami karaan Howlaha idmaday.
Qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen Hoggaan daacad ah in lagu heli karo marka Soomaaliya ay midowdo oo niyad furnaan la muujiyo, taasina ay marwalba horseed u noqon karaan Haweenka Soomaaliyeed.
Dhalinyarada qaarkood ee ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay doonayaan Hoggaan shaqo Abuur u sameyn kara, maadaam dhibaatada ugu badan ee ay qabaan in ay tahay shaqo la’aanta.
Baarlamaanka Soomaaliya sanadkan waxaa lagu soo kordhiyay xubno ka mid noqonaya Aqalka Sare oo gaaraya 54 ruux, walow markii dambe 18 xubnood lagu kordhiyay.
W/D:- Mohamed Isse Mohamud


