Muqdisho-RisaalaFM- Shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, waxa uuna Muqdisho ka furmayaa 17 bishan.
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qul qulaya dhalinyaro ka imaaaneysa gobolada dalka iyo dalka dibadiisa.
Qaar ka mid ah dhalinyarada soo gaartay Muqdisho ayaa Wasaaradda dhalinyarada waxa ay dajisay qaar ka mid ah hoteelada ku yaalla Muqdisho.
Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen marti gelinta shirka maadaama sida ay sheegeen lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Maamulka waxa uu sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen dhalinyaradii gobolka Banaadir matali lahayd ee shirweynahaasi ka qeyb gali lahaayeen.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in shirkan ka qeyb galkiisa ay u diyaar garoobeen ayna diyaariyen dhalinyaradii matali lahayd gobolka.
Shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka socon doono maalmo kadibna waxaa laga soo saarayaa sida qorshaha uu yahay war murtiyeed.



