Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamul Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Shir looga hadlaayo sida ugu dhow oo ay u wada shaqeynkaraan maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii wada shaqeyn buuxda u dhex mari lahayd Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada
Shirka ayaa waxaa marti gelineyso dowlada goboleedka Galmudug waxa uun ka dhacaya magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug.
Warar hoose oo ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in aysan weli soo gaarin magaalada Cadaado wafdiga maamulka puntland ka qeybgalaya Shirka Maanta ka furmaya magaalada Cadaado.
Xoghayaha joogta ah wasaarada arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa warbaahinta uga warbixiyey.


