DHAGEYSO: Shir Amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Doolow

Doolow-RisaalaFM- Shir socday muddo Saddex maalin ah loogana hadlayay ammaanka Gobolka Gedo iyo sidii Ciidanka loo nidaamin lahaa ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland.

Cali Xasan Deer oo ah Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa saxaafada u faah faahiyay natiijooyinkii ka soo baxay kulankii amniga looga hadlayay ee ku soo gaba gaboobay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadeen dib u hagaajinta Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo si loogu diyaariyo in ay qaadaan weeraro ka dhan ah ururka Al-shabaab.