DHAGEYSO: Shiinaha “Waxaan dhisaynaa saldhig militari oo lagula dagaalamo burcad badeeda”

Dalka jabuuti ayaa la sheegayaa in uu si rasmi ah uga bilowday dhagax dhiga saldhig military oo ciidamada Shiinaha ay halkaasi ka hagi doonaan howlgalka burcad badeeda lagula dagaalamayo ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca qaranka ee dalka Shiinaha ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigaasi uu bilowday xoogiisana hada lagu saari doono marka la dhiso howlgalka ka dhanka ah  burcad badeeda .

Dhinaca kalana madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayey falalka burcad badeeda ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in kaluumeysiga sharci darada ah uu yahay midka ka jira xeebaha Soomaaliya.

Isagoo u waramayay mid ka mid ah T.V-yada laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in maraakiibta sida sharci darada uga kaluumeysta xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa burcad badeeda sida uu hadalka u dhigay.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib waaweyn oo midowga Yurub ay leeyihiin kuwaas oo la dagaalamaya burcad badeeda Soomaalida ah.