Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa halkaasi waxaa uu kula kulmay Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle.
Sheekh Shariif oo shalay gaaray Jowhar ayaa socdaalkiisa ku sheegay u dhaba gelida xaalada doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo tabashooyinka ay qabaan howlaha socda Beelaha qaarkood.
Kulanka Sheekh Shariif & Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii xal looga gaari tabashada ay qabaan duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo horay u sheegay in faramaroojin lagu sameeyay qaar kamid ah Xubnihii ay u soo xuleen Baarlamaanka Hir-Shabelle.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan & Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe.



