DHAGEYSO: Shariif Xasan oo ka hadlay Wadooyinka xiran

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay Wadooyinka xiran ee ay go’doomiyeen Xarakada Al-Shabaab ee ku yaalla degaanada maamulka koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay dhawaan in ay bilaabi doonaan howlgal lagu furaayo wadooyinka xiran.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ay ka qeyb qaataan howlgalkaasi.

 Madaxweynaha ayaa dhankale ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha Qaramada Midoobey in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan.