DHAGEYSO: Shaqo Abuur loo sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in Siyaasadaha iyo Sharciyada ay dajineyso Wasaaradda loo badalayo kuwa shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa sidoo kale sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhawaan heli doonaan Xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaarada ay ku dadaaleyso sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii dhalinyarada loo taageeri lahaa oo Siyaasadaha loo dajiyo shaqo abuur loogu badali lahaa.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa wada kulamo wada tashi ah oo ku saabsan sidii loo dajin lahaa Siyaasada dhalinyarada.