DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay sababaha ay u diideen lacagihii DF

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha ay u diideen lacagihii ay ka heli jireen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loogu tala galay Gurmadka Abaaraha.

Somaliland ayaa sheegtay in ay ka ka soo horjeesteen Labo Boqol oo Kun oo Dollar taasi oo Dowladda Federaalka ay siin jirtay, looguna tala galay shacabka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay ku saameeyeen Degaanada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan C/laahi Saxardiid ayaa sheegay go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland in ay ku diideen lacagihii ka soo geli jiray dhanka Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Cusmaan C/laahi Saxardiid Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in ka Somaliland ahaan ay ku filan yihiin in ay u gar gaaraan dadka Abaaraha ay ku saameeyeen Degaanadooda.