DHAGEYSO: Shacabka Sh/Dhexe oo laga dalbaday in ay ka shaqeeyaan amniga

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Shabeellaha Dhexe ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan amniga.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabab, iyadoo uu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amaan daro ee ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in gobolka Shabeellaha Dhexe uu bilaabay Mashruuca Dalkaaga dhiso.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa inta badan Al-shabaab waxaa lagala wareegay Deegaanadii ay ka maamulayeen waxaana ka mid ahaa degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga wareegay Aadan-yabaal oo ay maamulayeen muddo ku dhow 10 sano.