Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ka dib muddo ay hakad ku jireen.
Dowladaha Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya ayaa shalay kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin in qaadkii ka imaan jiray Kenya ay fasaxdo dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa 10 maalmood ka hor joojisay qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ka dib muran soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Jaadka ama qaadka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in dib loo soo celiyo qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya.
Waxa ay sheegeen in ay Caruurtooda ay ka biilan jireen qaadka , islamarkaana ay ka shaqeysan jireen qaadka, waxaana sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in dib loo soo celiyo.


