DHAGEYSO: Shacabka kunool deegaanada Jubbaland oo digniin loo diray

Wasiirka wasaarada amniga maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray dadka maandooriyaha ku beera magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale deegaanada Hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Jubbaland ay tilaabo waafaqsan sharciga ka qaadi doonaan cidii lagu soo qabto , iyada oo oo Maandooriye ku beeraysa deegaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in deegaanada maamulka Jubbaland lagu beero maandooriyaal.

Wasiirka ayaa faray hay’adda kala duwan amniga maamulka Jubbaland in ay gacanta kusoo dhigaan dadka maandooriyaha ku beera deegaanada iyo sidoo kale degmooyinka maamulka Jubbaland.