Faahfaahin Qarax ka dhacay New York “Sawirro”

Qarax xoogan  ayaa ka dhacay xaafad lagu magacaabo Chelsea oo ku taalla degmada Manhattan ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

kudhawaad 20 qof ayaa ku dhaawacmay sida ay sheegeen ilaha Caafimaadka magaalada New York ee dalka Mareynka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhaawacyada dadka soo gaaray yihiin kuwo fudfudud marka laga reebo labo qof oo xaalad deg deg ah ku jira.

Gudoomiyaha gobolka New York oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxu uusan aheyn mid Argagixiso.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii bam xoogan uu ku qarxay xaafad ku taalla gobolka New Jersey, Laakiin lama shaacin cida ku dhimatay ama ku dhaawacantay.

16 14 13 19 17

rijaal