DHAGEYSO: Shacabka Kaaraan oo codsaday in aan la joojin Howlaha Isbitaalka Keysaney

The Red Cresecent symbol hoisted atop Keysaney Hospital, a health facilty run by the Somalia Red Cresecent (SRCS) in Mogadishu, Somalia. The hospital is run by the SRCS with the support of the International Committee of the Red Cross and Red Crescent (ICRC). © ICRC/Pedram Yazdi

Muqdisho-RisaalaFM- Xubno isugu jiray xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo ururada bulshada Rayidka ah ayaa shalay waxa ay booqdeen Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla Degmada kaaraan, iyaga oo u kuurglayay xaalada Isbitaalka.

Dr. Axmed Taajir oo ahaa Maamulaha ISbitaalka Keysaney ayaa sheegay Isbitaalka in la furay sanadkii 1992-dii, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u haayo howlo muhiim ah.

Qaar ka tirsan Bukaanada Isbitaalka ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihiin, iyaga oo sheegay in Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka ay si wanaagsan ula dhaqmaan Bukaanada.

Waxa ay codsadeen in aan la joojin Howlaha Isbitaalka, maadaama maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Isbitaalka lagu wareejinayo Ciidamada Asluubta.