DAAWO: 14 Qof oo cudurka Shuban biyoodka u geeryootay

Galgaduud-RisaalaFM- Degmada Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa cudurka Shuban biyoodka waxaa ugu geeryootay 14 QOf, halka tiro ka badan 100 Qof ay cudurkan la jiifaan Isbitaalada.

Dr. Zubeyr oo ka mid ah Dhaqaatiirka ka howlgala Isbitaalka weyn ee Degmada Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada dadka uu soo ritay cudurkan.

Dhanka kale Qaar ka tirsan Nabadoonada Gobolka Galgaduud ayaa codsaday in si deg deg ah loola soo gaaro gar gaar caafimaad, si loo badbaadiyo dadkan dhibaateysan.

XIGASHO:- HCTV