Shacabka Deegaanka Diif ayaa sheegay in lala socodsiiyay milatariga weerarka ay alshabab ku qaadeen Diif,mana jirin kahor tag ay ka sameeyeen.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dowlada ay siiyeen todobaad kahor warbixin amaanka iyo weerar ay alshabab soo qaadayaan,aysana jirin ciidamo boolis dheeraad ah oo lasoo gaarsiiyay.
Hogaamiyayaal ay kamid yahay Duqa Wajeer, Abdirahman Ali iyo ayaa codsaday in saldhiga milatariga la wareejiyo ,lana geeyo meel ku dhow xadka.
Labbo maalin kahor ayay ahayd markii ay weerar ku qaadeen Ururka Al- shabab deegaanka Diif ee bariga Wajeer,halkaasi oo ay sadex askari ku dhaawaceen isla markaasina ay gaari land Cruiser ah halkaasi ka xaysteen.
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.


