Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa weli ka soconayo Barnaamijka Aragti Wadaaga Hiigsiga Caasimada oo ah Barnaamij talooyin loogu aruurinayo sidoo kalena ay shacabka degmooyinka ku soo bandhigayaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Degmada Shibis ayaa ka mid ah degmooyinka ilaa hada lagu qabtay Barnaamijkaasi, Waxa ayna soo bandhigeen adeegyada ka maqan oo ay u baahan yihiin iyo culeysyada ka jira guud ahaan degmada.
Shacabka Degmada Shibis ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay furan wadooyinka xeran ee degmada Shibis dhex mara oo ay shacabka sheegeen in ay dhibaato weyn ku qabaan.
Sidoo kale Shacabka Degmada Shibis waxa ay sheegeen in goobaha Waxbarashada qaarkood ay degan yihiin Ciidamada amaanka ee dowladda ayna muhiim tahay in laga guuriyo si bulshada degmada ay ugu faa’iideystaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayay ugu baaqeen in si deg deg ah uu wax ugu qabto baahida ay qabaan iyo culeysyada ka jira qeybo ka mid ah degmada Shibis.



