Shacabka kunool magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale kenya .
Waxa ay sheegeen in ay si weyn uga xun yihiin in dowladda Kenya ay sheegato badda Soomaaliya.
Shacabka magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale ammaan u soo jeeday guddiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay maxkamada ICJ iyo sidoo kale Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya.
Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa Dhageysatay shalay markii Labaad Soomaaliya, Muranka Dacwadda ee kala dhaxeeya Kenya.
Qareenada u doodayay Soomaaliya oo shalay si toos ah looga daawanayay warbaahinta Magaalada Hague ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u hadleen, sidoo kalena ay ka jawaabeen eedeynta Dowladda Kenya ee ku aadan in Dacawadan aysan qaadi karin Maxkamadda ICJ.
Sidoo kale waxa ay meesha ka saareen heshiiskii is afgaradka ahaa ee horey loo gaaray in uu yahay heshiis sharci ah ama heshiis kala xadeynaya Baddaha Soomaaliya iyo Kenya.


