DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo laga dareemaayo soo xulista xildhibaanada

Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay sida ay u socdaan howlaha soo xulista xildhibaanada iyo sidoo kale ergooyinka dooranaya xildhibaanada Koonfur Galbeed u  matalaaya  baarlamaanka cusub ee lagu wado in uu dhawaan dalku yeesho.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka.

Gudoomiyaha sidoo kale sheegay in ay la xisaabtami doonaan odayaasha dhaqanka ee soo xulaaya xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed u matalaaya dowladda Soomaaliya.

Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemaya qaar ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.