Gedo-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Magaalada Baardheere ayaa sheegay in ay weerar ku yihiin Degaanada Shabaab ay iska soo abaabuleen ee ka tirsan Gobolka Gedo.
Faarax Maxamed Turbac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Magaalada Baardheere ayaa sheegay in ay sameeyeen qorshe Gobolka Gedo looga saarayo Shabaab, si loo hakiyo weerarada ay soo qadaan.
Waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo Shabaab ka saaraya Degaanada ay kaga sugan yihyiin Gobolka Gedo.
Faarax Maxamed Turbac ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hartago weerarada, ay ka geystaan Gobolka Gedo.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadaan fariisamaha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.


