DHAGEYSO: Saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay KGS (SAWIRRO)

Buurhakaba-RisaalaFM- Magaalada Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay maanta waxaa iska dhiibay laba sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed.

Raggan oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka ayaa waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiyaha degmada Buurhakaba iyo saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Radio Risaala ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay raggan isa soo dhiibay in ay dhib ku hayeen shacabka Koonfur Galbeed, balse hada ay ka soo laabteen go’aankooda hore.

Wuxuu sheegay maalmahan dambe in ay soo badanayaan ragga Shabaab ka soo goosanaya ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan, oo shacabkooda ay ka mid noqon doonaan.

Nuuradiin Yuusuf (Gacma) Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhalinyarada Shabaab ka tirsan ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan Maamulka Koonfur Galbeed, si wanaagsan loola dhaqmi doono.