Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan sidoo kalena ahaa Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa Iscasilay Arbacaddii lasoo dhaafay, waxaana soo baxayay warar kala duwan oo ku aadan Sameynta maamul goboleedyadda,mar hadii uu Baxay Gudoomiyihii hoggaaminaayay.
Waxaa sidoo kale Iscasilay Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo ahaa Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in ay heshiis la gaarto Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayna ka saarto Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.
Haddaba Sameyn Noocee ah ayay ku leedahay D/goboleedyadda Iscasilaadii Shariif Xasan Warbixintaan waxaa noo diyaariyay Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe.



