Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu sheegay in maalinta Axada ah xarumaha Dowlada Goboleedyada ay si rasmi ah kaga bilaaban doonto Doorashada Aqalka Hoose.
Waxa uu sheegay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose in loo qorsheeyay mudo isbuuc ah, isagoo sidoo kale sheegay in hada inta badan ay diyaar garoobeen Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira.
Dhinaca kale Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday goobihii ay baneeyeen Ciidanka Itoobiya, waxaana uu sheegay in aysan saameyn doonin Doorashada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay goobaha ay baneeyeen Ciidanka Itoobiya in ay la wareegi doonaan Ciidanka Xoogga Dalka, taasina Dowladda Federaalka hada ay ku howlan tahay.


