DHAGEYSO: Duqa Muqdisho “Waan u diyaar garownay Doorashada”

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen Doorashada sanadkan dalka ka dhaceysa gaar ahaan mida Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in badan in ay ka shaqeynayeen arrimaha la xiriira Doorashooyinka, isagoo sidoo kale sheegay in marka hore qorshaha uu ahaa in Doorashada lagu qabto xarunta General kaahiye balse hada qorshahaas ay u badeleen in Doorashada Baarlamaanka ay ka dhacdo xarunta Gaadiidka Booliska.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriira amniga, waxaana uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo sugi doona amniga.

Waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidan isku dhaf ah oo isgu jira Nabad sugid, Boolis iyo Millitari, kuwaas oo si weyn u sugi doona Amniga Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa maalmahan waxaa ka socota qaban qaabo ku aadan Doorahsada Soomaaliya, waxaana jira howlo lagu dar dar gelinayo Doorashada.