Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay Dowladda KMG-ka aheyd oo xilligaasi uu ka ahaa Ra’iisul Wasaare 2009-kii ay la gashay Dowladda kenya uusan aheyn mid lagu xadeynayo Badda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay xubno siyaasiyiin ah oo xildoona ah in ay buun buuninayaan arrimaha ku aadan heshiiskii Dowladaddii KMG-ka aheyd ay la gashay Dowladda Kenya, waxaana uu meesha ka saaray in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu xadeynayo Badda Soomaaliya.
Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay si toos ah kaga socotaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay soo dhacsato qeyb ka mid ah Baddeeda oo Dowladda Kenya ay muran gelisay.


