Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Duhurnimadii maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaaradii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Diyaarad qaas ah ay ka keentay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, Odayaal dhaqameedyo iyo Haween iyo xubno kale.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo Ololihiisa Musharaxnimada.






