Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre “ Xasan Bille” ayaa Maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta ugu weyn ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.
Xaruntaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ku shaqeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Waxaana Xaruntaan ay noqoneysaa Xarunta ugu weyn oo ay ku shaqeyso.
Goobta dhagax dhiga Waxaa goobjoog ka ahaa sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaarada amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale “ Koofi” ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabaan Xaruntaan.
Sidoo kale Waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Waxa uuna sheegay in Hay’adda Socdaalka loogu baahan yahay in marka uu dhamaado dhismaha Xarunta ay ka soo guuraan Xarunta ay hada degan yihiin oo ku taalla Wadada Shaqaalaha.
Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre “ Xasan Bille” ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhagax dhiga Xaruntaan, Waxa uuna sidoo kale sheegay in dhismaha Xaruntaan ay qeyb ka tahay hormarinta Dalka.
Dhismaha Xaruntaan la doonayo in si Rasmi ah ay ugu shaqeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku yaalla degmada Waaberi gaar ahaan Meel u dhaw Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.



