Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan oo ay isku naxariistaan.
Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in aan loo baahneyn in la sugo mar walbo kaalmo shisheeye balse shacabkan Soomaaliyeed loogu baahan yahay iney isku gargaaraan.
Waxa uu tilmaamay in tan iyo markii loo Magacaabay Xilka Ra’isal Wasaarenimo in la aruuriyay 3 Milyan oo doolar, waxa uuna sheegay in lacagtaasi ay suurta gashay in la gaarsiiso dadkii u baahnaa.
Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaaleyso ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka ah ee Dalka ka socda.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay xooga saareyso badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay iyo sidii qorshe cad loogu keeni lahaa.
Degaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka jira abaar daran, waxa ayna saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool degaanadaasi.
Waxaa soconayo gurmad samata bixin ah oo ay hogaamineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.



