DHAGEYSO: Dil ka dhacay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay xalay toogteen Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaandi Cabdiraxmaan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka ninkaan waxaa horay ula shaqeyn jiray Madaxtooyadda Puntland.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday waxaana goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa puntland.

Baaritaano kala duwan ayaa saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Wariyaha Risaala ee Gaalkacyo ayaa ka waramaya Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada.