Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kwait ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Gargaar ay iska soo Aruuriyeen dhawaan in ay soo gaarsiin doonaan Soomaaliya.
Cali Al-Deqbasi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Kwait ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka reer Kwait laga doonaayo in ay garab is taagaan Shacabka Soomaaliyeed .
Mudanaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dalalka Carabta laga rabo dhibaatada in aysan ku fiirsan walaalahooda dhibaateysan.
Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa kasii daraysa Maalinba maalinta ka dambeysa.
Waxaana Bulshada Soomaaliyeed ay wadaan dadaalo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen.



