Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku gubay raashiin dhacay oo waqtigiisa uu dhamaaday.
Agaasimaha waaxda fayadhowrka ee Wasaraadda Caafimaadka Maxamed Muxumed Xiirey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay raashiinka la gubay in uu ahaa mid Wasaaradda Caafimaadka ay ka soo qabatay Dekada.
Waxa uu sheegay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Jubbaland in ay go’aan ku gaartay in ay ka hortagto waxyaabaha caafimaad darada u keeni kara bulshada, si loo ilaaiyo fayadhowrka.
Maxamed Muxumed Xiirey ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay in ay iska fiiriyaan raashiinka iyo cabitaanada ay iibsanayaan tayadooda.
Waxa uu sheegay Wasaaradda Caafimaadka hada kadib in ay xoogga saari doonta sidii ay uga hortagi laheyd ganacsatada dalka soo gelisa raashiinka aan tayada laheyn.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa inta badan waxa ay Dekedaha dalka ka soo dejistaan badeeco, iyaga oo aan iska fiirin tayada bagaashka u soo degaya inta uu la egyahy.


