DHAGEYSO: R/Wasaare Kheyre oo sheegay in canshuurtii ugu badneyd 30 sanno ay aruuriyeen

R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa shirka Ganacsiga Soomaaliya looga hadlaayo ee Muqdisho maanta ka furmay ka sheegay in Ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka.

Waxa uu sheegay R/wasaare Kheyre in Ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo aruuriyeen canshuurtii ugu badneyd muddo 30 sano ah Waxa uuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sanadkii ina dhaafay ee 2017 ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan dowladda Federaalka u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeyn miisaaniyada Dowladda sidaas si lamid ahna ay sanadka 2018 ay ka rajeynayaan dhaqaalo intaas ka badan sida uu sheegay.

Hadalka R/wasaare Kheyre ayaa imaanyo iyadoo Soomaaliyo dhaqaallo ahaan kasoo reyneyso sanadihii lasoo dhaafay.