DHAGEYSO: R.W Kheyre oo ka hadlay Dhismaha Ciidamada badda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay kulan kula qaatay markab dagaal dhexdiisa saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxaa uu sheegay in uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhismaha Ciidamada badda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Midowga Yurub ee uu la kulmay  ay u balan qaadeen in la tayayn doono ciidamada badda Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la dhiso ciidamada badda si ay uga hortagaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in ay difaacato badaheeda.

Saraakiisha Ciidamada badda Soomaaliya ayaa sanadyadii lasoo dhaafay Cabasho ka muujinaayay Mushaar la’aan soo wajahday.