Muqdisho-RisaalaFM- Waa qaar ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee laga keenay Dalka Itoobiya ka dib heshiiskii dhexmaray dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaa hada lagu hayaa oo ay ku jiraan meel u dhaw Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Xarunta ay ku jiraan waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah oo u badnaa hooyooyin si ay u arkaan ilmahooda oo qaarkood sanado badan ka maqnaa.
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka mid ahaa Masuuliyiintii dowladda ee ka shaqeysay in Maxaabiistaasi la keeno Muqdisho ayaa maanta booqday Xarunta ay ku jiraan.
Maxaabiista qaarkood waxa ay kuu sheegayaan in ay nolosha ka quusteen maadaama sanado badan ay ku xernaayeen Itoobiya, qaarkood waxaa laga qabtay Xuduuda iyagoo doonaya in ay galaan Itoobiya halka qaarkoodna laga qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya ee u dhaw dalka Itoobiya.
Maxaabiista qaar ayaa waxaa lagu xukumay 25 sano qaarkood Xabsiyada waxa ay ku jireen ku dhawaad 10 sano.
Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii uu gaaray Xarunta waxa uu mid mid u gacan qaaday Maxaabiista waxaana dhex martay sheekadaan.
Qaar ka mid ah Maxaabiistaasi ayaa dowladda ugu mahad celiyay dadaalkii lagu keenay Muqdisho qaarkood waxa ay sheegeen in hogaamiyaasha beelahooda ay ku soo booqdeen Xabsiyada balse aysan u suurtagelin in Xabsiyada laga sii daayo.
Intii aan ku sugnaa Xarunta waxaan la kulmay Hooyooyin aad u faraxsan oo ilmahooda sanado ka dib arkay iyagoo Farxad darteed la ilmeynaya ayay Warbaahinta la hadleen.
Maxaabiista qaarkood waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ay shaqeystaan dowladdana ay ka dalbanayaan in ay shaqo siiso oo aysan Magaalada ku sii deyn.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee dhaxeeya labada dal waa Soomaaliya iyo Ethiopia.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday Magaalada Jigjiga ayaa markii ay Garoonka Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey’adaha Booliiska iyo Garsoorka ee dowladda Soomaaliya oo hada Maxaabiistaan gacanta ku haya.



