Saddex Qarax ayaa Xalay ka dhacday dalka Sucuudiga kuwaa soo mid kamid ah lala eegtay Goob gawaarida la dhigto oo ku taala Xarunta Ciidamada loo carbiyey Xaalada Deg deg ah oo ah Nawaaxiga Masjidka Nabigeena Muxamad NNKH taas oo koofur kaga beegan Xarunta Maxkamada Sharciyada Halkaas oo askari ay ku afurayeen.
Warbaahinta Dowladda Sucuudiga ayaa baahisay in 7 kamid ah Askartii halkaasi ku afureysay ay ku wax waxyeeloobeen qaraxaasi, Waxaana Naftii huruhu uu umuujiyey inuu daanayo inuu la afuro markii loo ogolaaday kadibna inta uu islasoo taagay uu isqarxiyey.
Wararka ayaa Sidoo kale waxa ay sheegayaan in 4 ruux ay ku geeriyootay Weerarkaasi isla markaana ay ku waxyeeloobeen tiro kale kuwaas oo qaarkood xaaladooda liidato, Naftii haligaha ayaan usuura gelin inuu gudaha ugalo Xaramka Nabigeena Suuban Waxaana xiligaasi kucidaabeysanayey dad fara badan waxaana Ciidamada Amaanka ay siweyn u Xakameeyeen Dhacdadaasi mana jirin Saameyn ay ku yeelatay.
Sidoo kale laba ruux oo isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey Banaanka Mid kamid ah Masjida ku Yaala deegaanka al qadiif ee Bariga Sucuudiga Waxaana dhamaan weeraradan aykusoo beegmayaan wax ka yar 24 saac Ismiidaamintii ka dhacday Parkin gawaarida la dhigto oo ku taala Isbitaalka Suleymaan al faqiih ee oo u dhow Xarunta Qunsuliyada Mareykanka ee Magaalada Jidda.
Ururka Iskaashiga Islaamka oo war murtiyeed kasoo saaray dhacdadaasi ayaa ku amaanay doorkii laamaha amaanka ay ka qaateen weeraradaasi waxaana ay ku tilmaameen in Amniga Sucuudiga mid wanaagsan
Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa sidoo kale weeraraasi ay geesteen Naftood haligayaasha si adag u Cambaareeyey.


