DHAGEYSO: Qarax ka dhacay Duleedka Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soobaxayo Dad beeraleey ah oo miino kula qaraxday duleedka Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dadkaan ayaa markii uu qaraxu dhacaayay ku howlanaa xirid meelo uu ka soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku jiray Caag jirkaan ah oo meesha yaallay oo ay ku jireen waxyaabaha qarxa sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

Markii uu qaraxu dhacaayay waxaa goobta ku sugnaa in ka badan 100 qof oo ku howlanaa xirida meelo uu ka soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa markii uu qaraxu dhacaayay ayaa Idaacadda Risaala faah faahin ka siiyay sida ay wax u dhaceen.

Ilaa hada si dhab ah looma ogo khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana Maamulka Hirshabeelle iyo kana Gobolka Sh/Dhexe weli aysan ka hadlin Qaraxa Miino ee ka dhacay duleedka Degmada Jowhar.