DHAGEYSO: “Puntland xaq ayay u leedahay diidmada 4.5”

Siyaasi Salaad Cali Jeele oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay diidmada Puntland ee nidaamka 4.5 iyo go’aankii dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaateen horaantii sanadkaan.

Siyaasiga wuxuu sheegay in Puntland xaq u leedahay iney qaadato go’aanka ay ku diideyso nidaamka 4.5, maadaama nidaamkaasi sida uu sheegay ay dan ugu jirto dowlada haatan dalka ka jirta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in nidaamkaasi uusan faa’iido badan u laheyn ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay wado dowlada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka aan la dhageysan aragtida ay qabaan.