Boosaaso-RisaalaFM- Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ku dhowaad 160 Tahriibayaal ah kuwaas oo doonayay in ay ka tahriibaan xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ciidamada amaanka maamulka Puntland Tahriibayaasha ay gacanta ku dhigeen ayaa waxaa 77 Qof oo ka mid ah ay yihiin Dumar sida uu sheegay Taliyaha Booliska qeybta gobolka Bari.
Taliyaha Booliska qeybta gobolka Bari Gaashaanle Sare C/xakiin Yuusuf Xasan ayaa sheegay in maamulka Puntland aysan aqbali doonin in dhalinyaradaasi ay ku sii daayaan Bada.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Dhalinyaradan ay yihiin Mustqabalka Berri ee dalka, isagoo dhanka kale tilmaamay in maamulka Puntland uu il gaar ah ku heyn doono Dhalinyarada dalka ka Tahriibaya.
Ma ahan markii ugu horeysay ciidanka amaanka maamulka Puntland ay gacanta ku dhigaan Tahriibayaal doonayay in ay ka tahriibaan xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.


