DHAGEYSO: Puntland oo soo saartay digniin cusub

Wasaarada Gaadiidka maamulka Puntland ayaa waxa ay soo saartay digniin cusub oo ku aadan Wadayaasha Gaadiidka ee degaanada maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaarada howlaha Guud ee maamulka Puntland Cabdirashiid Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in degaanada maamulka Puntland in aan lagu arki karin darawal aan wadan Sharciga wadida Gaadiidka ee ay bixiso wasaarada Gaadiidka Puntland.

Waxaa uu sheegay in ciidanka ammaanka lagu amray in ay tilaabo adag ay ka qaadaan cidii lagu arko iyadoo laysan la,aan gaari wadaysa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in cid kaste ay qaadato kaarka Aqoonsiga Gaadiidka.