Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Dr C/naasir Cowke ayaa ka warbixiyay tiro dhaqaatiir ah oo loo diray degaanada ay abaarta ka jiraan ee gobolada Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in dhaqaatiirtan la doonayo iney ka qeyb qaataan daaweynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Waxa uu sheegay in 26 Dhaqaatiir ay u dirayaan gobolada Puntland ee abaarta daran ay ka jirto si ay ugu hortagaan cudurada ka dhashay abaarta.
Waxa uu dhaqaatiirta ugu baaqay Wasiirka in ay ka shaqeeyaan sidii dadka dhibaateysan ay si sax ah u caawin lahaayeen uguna shaqeyn lahaayeen badbadadintooda.
Waxa uu tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin dhaqaatirta ay diraya isla markaana ay ka soo bixi karaan sida uu sheegay Wasiirka shaqada loo igmaday.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland ayaa waxaa ka jira abaar daran kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.



