Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin Bulshadda Soomaaliyeed shirka lagu waddo in uu ka furmo Kismaayo.
Waxaa sheegay Madaxda Qaranka in laga doonaayo in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya dhexdooda ,islamarkaana ay isugu tagaan Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda aysan jirin baahi loo aado Magaalada Kismaayo.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ka muuqatay in Puntland aysan ka qeyb galin doonin Shirka Kismaayo.
Hadalkaan ayuu ka sheegay ka dib markii uu maanta u soo duulay Magaalada Muqdisho.


