Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu soo maray dhibaatooyin aad u badan, islamarkaana ay adag tahay in si fudud looga gudbo.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka dalka heysta aan looga gudbikarin maalmo iyo Sanadooyin,islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay la shaqeeyaan dowladda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Al-Shabaab dhibaatooyin badan ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, Hay’addaha dowladdana ay si wadajir ah u shaqeyn doonaan.
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimadda dalka.



