DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay xaalada Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland C/risaaq Shire Faarax (Ereg) Oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso, ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo maalmihii u dambeeyay amnigeeda uu ahaa mid faraha ka sii baxayay.

C/risaaq Shire Faarax (Ereg), ayaa shirkiisa Jaraa’id ku soo bandhigay sida ay wax u dhaceen 48­-dii saac ee ugu dambeeyay, taasi oo la xiriirta falal lidi ku ah amniga.

Ereg ayaa sheegay in guud ahaan Puntland ay tahay Nabad, islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex jira bulsahda reer Puntland, isagoo sheegay in koox yar ay faafiyeen warar been abuur ah, oo qal qal geliya amniga.

Magaalada Boosaaso maalin ka hor waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo xariga Nabadoon sheegay in xabsiyada Degaaanada Puntland lagu jirdilo Maxaabiista, taasi oo sababtay in ay sii kororto amni darada, shacabkana ay sameeyaan Arbushaad.

Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso waxaa ku sugan Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Puntland, waxaana mararka qaar ka dhaca, falal lidi ku ah amniga iyo weeraro toos ah.