Caaisho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa iyada oo meyd ah waxaa la dhigay Guriga ay Magalada Gaalkacyo ka deganaayeen hortiisa,waxana la sheegay in dhaawacyo culus culus ay ku yaalleen jirkeeda.
Ehelada Caasho ayaa shalay ilaa xalay baadi goob ugu jiray,kadib markii mudo saacado ah la waayey,balse markii dambe meydkeeda lasoo dhigay afaafka hore ee gurigooda,hayeeshe waxaa dhacdadaas faah faahin ka bixiyay taliska Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.
Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in dilka Caaisho ka hor la kufsaday,isla markaana dhib badan loo geystay oo la jirdilay.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Hoygooda hortiisa la soo dhigay,iyada oo meyd ah,isla markaana ay aad uga xumaadeen,waxana uu sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyey falkaas.
Sidoo kale taliyaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in ay jirto dhacdo labaad oo gabar lagu kufsaday,kadibna muuqaal laga duubay,hayeeshee ay ku guuleysteen dadkii ka dambeeyay inay kasoo qabtaan Magaalada Khardho ee Gobolka Karkaar.
Dhageyso Codka Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland.



