DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay Dagaal ka dhacay Duleedka Qandala

Qandala-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal Axadii Ciidamada Puntland iyo Daacish ku dhex maray Degaanka Labiib, oo 30-KM dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Qandala.

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo la hadlay VOA ayaa sheegay Ciidamada Puntland in ay weerareen goob ay isku uruursanayeen koox yar oo ka tirsan Daacish.

Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo ka hadlayay khasaaraha Dagaalkaasi ayaa waxa uu sheegay dhankooda in Dagaalka uu kaga dhaawacmay 1 Askari, halka ay Daacish kaga dileen 4 nin, iyadoo 5 kalana ay kaga dhaawaceen

Waxa uu sheegay in weli ay wadaan Howlgal ka dhan ah Daacish, isagoo sidoo kale sheegay dhulka Degaanka in uu yahay mid dhib badan, maadaama buuraley uu yahay.