Wasaarada amniga maamulka Puntland ayaa fartay laamaha ammaanka maamulka puntland in ay adkeeyaan amniga deegaanada maamulka puntland.
Wasiirka wasaarada amniga maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidanka ammaanka puntland looga baahanyahay in ay gacanta kusoo dhigeen cid kaste oo amniga qalqal galinkarta.
Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Puntland ay heegan ugu jiraan sidii la isaga ilaalin lahaa weerarada Al-shabaab ay geystaan Bisha Ramadaan.
Wasiir Qarjab ayaa ugu dambeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada maamulka Puntland, si looga hortago falalka amni daro.


