Dhageyso:-Puntland oo faah faahisey qaraxyo ay qabteen

Taliska Booliska Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo laga helay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaso.

War kasoo baxey Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo kaashanaya Ciidamada PSF ay Fashiliyeen Qarax Miino oo lagu qarinayey Guri ku yaalla Aaga Masjidka Rashiid Ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari Gashaanle Sare Xusseen Cali Maamuud ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalka ay ku qabteen waxyaabaha qarxa.