DHAGEYSO: Puntland oo faah faahin ka bixisay dagaalo ka dhacay Nugaal

Dagaalo xoogan ayaa maanta markale waxa ay ka dhaceen Toga Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal, waxaana dagaalkaas uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo Al-shabaab.

Dagaalada maanta ayaa waxa ay ahaayeen kuwa xoogan waxaana la isku adeegsanayay hub cul culus oo deegaano fog laga maqlayay sida dadka deegaanka ay ku waramayaan.

Gen Muxudiin Xasan oo ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan Toga Suuj laakiin ciidanka Puntland ay ka hortaagan yihiin arintaasi.

Inkastoo saraakiisha Puntland aysan sheegin khasaaraha soo gaaray dhankooda ayaa hadana ilo madax banaan waxa ay sheegayaan ilaa iyo 3 askari oo ka mid ah ciidanka Puntland waxa ay ku geeriyoodeen dagaalkan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.