DHAGEYSO: Puntland oo eedeysay Beesha Caalamka

Garowe-RisaalFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng. C/xakiin Xaaji Cumar C/laahi (Camey) ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in aysan Puntland garab ka siinin Dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Beesha Caalamka in ay ka caawiso oo keliya Shabaabka ay gacanta ku soo dhigaan in aysan dili karin.

Waxa uu sheegay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’aadanimada in ay u taagan yihiin oo keliya in ay cambaareeyaan xukunada ay fuliyaan Maxkamadaha Puntland.

Eng. C/xakiin Xaaji Cumar C/laahi (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay arrintan in ay ka dambeeyaan Beesha Caalamka oo aanan rabin in la soo afjaro Dagaalka Shabaab.